Xasan Sheekh “Ciidanka dowladda ayaa soo weeraray Hotelka aniga iyo Sheekh Shariif deganahay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Ciidanka dowladda inay weerar ku soo qaadeen Hotelka isaga iyo Sheekh Shariif degan yihiin ee Maa’ida 2 oo ku dhow agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon.

Xasan Sheekh ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu daadinayo dhiigga muwaadiniin isu diyaarinaya bannaan baxa nabadeed.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiiaa kala duwan, iyadoo dhinacyada dagaalamayay isku hor fadhiyaan inta u dhaxeysa Taalada Daljirka Dahsoon iyo Isgoyska Jubba.

Xaalada ayaa caawa kacsan, iyadoo laga cabsi in xiisada ay sii xoogeysato, isla markaana dhinacyada dagaalamaya ay helaan gurmad.