Xasan Sheekh” Farmaajo waxa uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha mudada xilheyntiisa ay dhamaatay Maxamed Cabdullaahi farmaajo mid dallka ka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay shacab iyo haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag.

“Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka balse, Soomaaliya waxay leedahay shacab iyo haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni iyo aragti wadaag” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Qoraalkan ayuu soo saaray Xasan Sheekh xilli xalay uu dhamaaday muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana aan weli lagu heshiin arrimaha doorashooyinka.