Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo qaaday dhaqan looga bartay maamulkii hore ee Farmaajo.

June 22 (Jowhar.com)- Qaar ka mid ah wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa la soo warrinayaa in laga helay Corona Virus taasi oo maalmo dheeraad ah ku dartay safarka oo qorshihiisa hore ahaa laba maalmood.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qarisay inay sheegto sababta waqtiga dheeraadka loogu kordhiyey safarka Madaxweynaha. Maamulkii hore ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yaqaanay dhaqanka qarinta waxyaabaha dabiiciga ah.

Inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ku dhicin Coronavirus, haddana Madaxda Adduunka ma qariyaan marka uu asiibo cudurkan, waana wax caadi ka ah Adduunka oo aanay ceeb aheyn qofka uu ku dhaco Corona Madaxda iyo wafdigooda.

Heerka fayraska ee Imaaraadka ayaa kor uga kacay 200% maalintii ilaa in ka badan 1,400 oo tiro maalinla ah uu gaaro toddobaadkan, laakiin dhakhaatiirtu waxay sheegeen in dad yar ay u baahdeen daawaynta isbitaalka, tiro yar oo bukaanna ahna ay qabeen burukiito ama qabow

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More