Xasan Sheekh iyo Sheekh oo caawa degay Hotel ku dhow Madaxtooyada

Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa caawa degay Hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha ay Hotelka Naasahablood 2 ka abaabulayaan bannaan baxa jimcaha, waxaana Hotelka uu ku dhow yahay Taalada Daljirkq Dahsoon oo loo balansan yahay in jimcaha uu ka dhaco bannaan baxa.

Ciidamo fara badan oo ilaalo u ah labada Madaxweyne hore ayaa la wareegay ammaanka Hotelka iyo nawaaxigiisa.

Hotelka Naasahablood 2 waxaa ku dhow Bar koontarool oo Ciidanka Madaxtooyada ku leeyihiin agagaarka Taalada Xaawo Taako.

Midowga Musharaxiinta ayaa horay ugu dhawaaqay bannaan bax nabadeed oo ka dhacaya Muqdisho maalinta jimcaha, kaasoo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyo heshiis la’aanta doorashada.