Xasan Sheekh oo Abiye ka dalbaday hub iyo saanad ciidan oo Shabaab lagula dagaalamo.

Sept. 29 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa lagala helayaa wadahadalo maalinkii labaad galay oo magaalada Addis-Ababa uga socda madaxweynaha dalka Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed.

Wadahadalada maalinkii koowaad ee shalay oo ahaa intooda badan is xogwareysiga labada hoggaamiye iyo wanaajinta xiriirka labada dal oo mugdi galay wixii ka danbeeyay markii uu taalda yimid madaxweyne Xasan, Masarna heshiis la soo saxiixsay, balse maanta ayaa la guda galayaa arrimaha ugu culus.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo kamid ah wafdiga madaxweynaha ku wehlinaya safarkan ayaa sheegay in arrimaha ay Itoobiya kala hadlayaan ay qeyb ka tahay sidii ay hub iyo saanad ciidan ugu deeqi leheyd ciidamadda dowladda oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

“Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay dagaal, shacabka oo ka jawaabaya baaqiisa ayaa hubka qaatay, hadda madaxweynuhu wuxuu dalka Itoobiya ka raadinayaa kaalmo dhanka dagaalka ah, Itoobiya waxay ka mid tahay wadamada hubka sameeya,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad oo VOA-da u waramay.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ay Soomaaliya iyo Itoobiya ka arinsanayaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen, isagoo meesha ka saaray in wax uun madmadow ah ay ku jiraan xiriirka labada dal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More