Xasan Sheekh oo ka digay in dalku noqdo Dastuur la’aan (Qoraal uu u diray Madaxda dalka)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal uu diray Madaxweynaha iyo Guddoonka labada Aqalka ayaa la socodsiiyay in muddada dhaqan galka dastuurka KMG uu la dhamaanayo muddo xileedka Baarlamaanka 10aad, isagoo ka digay in dalku uu dastuur la’aan noqdo.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda inay qaadaan tallaabooyin lagu xeerinayo oo looga hortagayo in dalku dastuur la’aan noqdo.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Baarlamaanka labada aqal inay wadajir isugu yimaadaan shir degdeg ah oo looga arrinsanayo dib u eegista ansixinta kama dambeysta ee dastuurka, oo ay waajibaadkaas ugu gudbiyaan Baarlamaanka 11aad sanadka 2021 iyo afti dadweyne oo loo qabto dastuurka.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Xasan Sheekh:-