Xiisad ka jirta caawa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Waxaa sii xoogeysanaya xiisad ka jirta xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodon kadib markii uu xarun deegaan ka sameystey Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John).

Saadaq Joon ayaa xarun deegaan ka dhigtay xaafadda Shiikole oo ku dhow xarunta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee degmada Deyniile.

Ciidamada Haramcad ayaa sidoo kale waxaa la geeyay isgoysyada laga galo xaafada Shiirkole,waxaana jirta cabsi laga qabo in halkaa uu iska horimaad ka dhaco.

Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa xalay darajadii sarkaalnimo iyo dhamaan waxii xuquuq ciidan ahaa ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon.

Saadaq Joon ayaa helaya haatan taageero ay u muujinayaan dadka uu ka soo jeedo waxaana baaq ka soo saaray Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo hore u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha dowlada federalka.

Xildhibaan Odowaa ayaa ugu baaqay Dadka uu ku matalo kursiga inay difaacaan Jeneraal Saadaq John oo caawa xarun deegaan ka dhigtay Shiirkole, kaddib markii Ciidamo fara badan ay dowladdu dul geysay halka uu degay Jeneraalka.