Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle oo maanta la dhaarinayo

calan-hirshabel

Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayaa lagu waddaa in maanta magaalada Jowhar lagu dhaariyo.

Illaa 99 xildhibaan ayaa la dhaarin doonaa kadib markii la dhamaystiray tirada xildhibanaada Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Xildhibaanadan oo isugu jira kuwo cusub iyo kuwii hore ayaa waxaa xildhibaanada kuraasta waayay kamid ah guddoomiyihii baarlamaanka Cismaan Barre iyo ku xigeenkiisii koowaad.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa la adkeeyay iyadoo la xirey waddooyinka waaweyn.
Doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka waxaa lagu waddaa in ay dhacdo shanta bisha soo socoto.