XIldhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay guddiga Addeega Garsoorka iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa

Kulan ay maanta yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku ansixiyeen Guddiga adeega garsoorka iyo Sidoo kale u codeynta xubnaha Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana goobjoog ka ahaa in ka badan 140 Xildhibaan, kuwaasi oo xalay loo farriismo ku aadan kulankii dhacay.

Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu ahaa U codeynta xubnaha Guddiga adeega garsoorka iyo Sidoo kale u codeynta xubnaha Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa, iyadoo Xildhibaanada ajendayaasha dood ka yeeshay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka oo ka kooban, kuwaasi oo ka kooban 7 xubnood.