Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulmaya berri oo Isniin ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay in maalinimada berri ah ay yeelan doonaan kulan looga hadli doono ku ajandayaal dhowr ah.

Xildhibaanada ayaa lagu wargaliyay in Beri oo Isniin ah oo ay Tar 08 February, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka, iyadoo lagu war galiyay Xildhibaanada Golaha shacabka in ay soo xaadiraan kulankaasi.

Kulanka ayaa looga hadli doonaa Ajandayaasha kala ah: Akhrinta 3aad ee wax kabadelka sharciga Waxbarashada Heerka 1aad,2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Warbixin ku sahabsan wax – qabadkii 100 maalmood ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana kulanka baarlamaanka uu ku soo beegmayaa xilli ay dhamaatay mudada xil haynta Madaxweynaha dalka kamana muuqato ajandayaasha inay ka mid yihiin arrimo ku saabsan madaxtinimada dalka.