Xildhibaannada oo maanta u codeynaya Guddiga Adeega Garsoorka iyo la dagaalanka musuq maasuqa

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa inuu cod u qaado Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Guddiga la dagaalanka Argagixisada oo ay horay u ansixiyeen Xukuumaddii xil gaarsiineed.

Qoraal lagu shaaciyay barta Facebook ee Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in maanta oo Isniin ah oo taariikhda tahay 16 November uu jiro kulan weynihii Golaha, oo Ajandihiisu yahay:-

1. U codeynta Xubnaha Guddiga Adeega garsoorka
2. U codeynta Xubnaha Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa
3. Akh3aad ee H/Sh Nootaayooyinka Soomaaliya

Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa ayaa waxaa horay u meel mariyay Xukuumaddii xilka sii gaarsiineysay, markii la riday Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta ayaa sharci darro ku tilmaamay meel marinta Guddiyadaas, intii ay xilka sii heysay Xukuumadda, waxaana ay ka digeen in dano siyaasadeed loo adeegsado guddiyadaas.