Xildhibaano ku dhawaaqay Kudlada Badbaadinta Qaranka

Qaar ka mid ah xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho maanta waxa ay ugaga dhowaaqeen Kudlada Badbaadada Qaran.

Kulanka loogaga dhowaaqay Kudladan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa inku dhow boqol xildhibaan waxaana looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashada dhaceysa iyo marxalada kala guurka ah ee dalka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Golaha Shacabka u akhriyay war saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanada.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha xilligiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu ku fashilmay inuu dalka ka qabto doorasho, sidoo kalena uu la heshiin waayay madaxda dowlad Goboleedyada.

“Ma aqbali doono in Madaxda dowladda sameeyaan muddo kororsi, xukuumadana waa mid xil gaarsiin ah oohowlo caadi ah qaban kara ha yeeshee arrimo dastuuri ah ma qaban karaan.”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid xildhibaanada mucaaradka.

Ku dhowaaqista kudladan ayaa ku soo beegmeysa kadib markii maanta uu afhayeenka xukuumada Maxamed Ibraahin Nuur uu sheegay in dowlada ay ka shaqeyneyso sidii doorasho dalka uga dhici lahayd.