Xildhibaano taageersan Saadaq Joon oo gaaray xaafada Shiirkole

3,864

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo taageersan isla markaana ku heyb ah Jen. Saadaq John ayaa goordhow gaaray deegaanka Shirkole ee degmada Hodon.

Xildhibaannada ayaa kala ah C/raxmaan Odawaa, Mahad Salaad iyo Cabdi Saabir.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaannadan ay degi doonaan deegaanka Shirkole oo uu caawa fiidkii dib ugu laabtay Jeneraalka.

Dowladda ayaa ciidan gaysay agagaarka Shiirkole kuwaasi oo ay Macquul tahay degaal uu dhex-maro iyaga iyo Ciidanka ku sugan Shiirkole.

Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada caawa ku sugan xaafada Shiirkole ayaa sheegay in Farmaajo iyo taliyaha Hay’ada nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin ay duulaan kusoo yihiin xaafada Shiirkole , waxa uuna ku baaqay in ciidankaasi la iska difaaco.

”Xildhibaanadeena Habar Gidir ayaa hada soo gaaray Shiirkole. Farmaajo, Fahad iyo Biixi dadkeena ayay duulaan ku yihiin. Dadkeena waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan cadowga iso soo bahaystay. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah” ayuu yiri Mahad Salaad.

Dadka degen xaafada Shiirkole iyo agagaarkeeda ayaa cabsi xoogan soo wajahday iyagoo ka cabsi qaba in iskahorimaad hubeysan uu halkaas ka dhaco.