Xilliga la soo gabagabeynayo dayactirka wadada Afgooye oo la shaaciyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in muddo labo toddobaad gudahood ah la soo gabageynayo dayactirka wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Warkan ayuu ka sheegay Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xalay kormeeray sida uu u socdo dhismaha wadada oo haatan meel geba-gabo ah maraya, wadadaas oo loo dhisayo laba qeybood oo gawaarida ay isku dhaafi karaan.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay inay ilaashadaan laamigaas loo dhisay, waxaana hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhawaan sidoo kale la bilaabi doono dhismaha Wadada Xariirisa Muqdisho iyo Jowhar.