XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kusii jeeda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Nov. 24 (Jowhar.com) -Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa.

Sida qorshuhu yahay, madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa soo gaabinaya safarkiisa, isagoo madaxweyne Xasan uga sii hormarayo magaalada Boosaaso, si uu halkaasi ugu soo dhaweeyo.

Macluumaadka la helayo ayaa intaasi ku sii daraya in Xasan Sheekh iyo Siciid Deni ay magaalada Boosaaso ka daah-furayaan mashruuc lagu ballaarinayo garoonka diyaaradaha Boosaaso sida ay wararku sheegayaan.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ay booqdaan xarunta Ciidamada PMPF halkaas oo tababar looga furayo Ciidamo heer Federaal ah.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale la filayaa iney yeeshaan kulan gaar ah oo ay uga wada hadlayaan xoojinta xiriirkooda iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ku foorara Shabaab.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More