Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay Guterres oo cambaareeyay weerarkii Hotel Xayaat
August 20 (Jowhar.com)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres,ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee lagu qaaday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho 19kii Ogosto.
António Guterres Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii ku dhintay iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu caafimaad degdeg ah u rajaynayaa inta dhaawaca ah.
“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu mar kale ku celinayaa garab istaagga ay Qaramada Midoobay la garab taagan tahay dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada iyo socdaalkooda nabadda.”ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay ku xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq.
Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay weerar ay fiidnimadii Jimcaha maleeshiyada Al-Shabaab ku gashay hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.