Xukumada oo ka hadashay guddoonka cusub ee Hirshabelle

Xukumada oo ka hadashay guddoonka cusub ee Hirshabelle
Xukumada oo ka hadashay guddoonka cusub ee Hirshabelle
Xukumada oo ka hadashay Doorashada guddoonka cusub ee Hirshabelle. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumada Federaalka Soomaliya ayaa waxa ay u hambalyeysay Guddoonka Cusub ee ay doorteen Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyo iyo Bogaadin u diraysaa Guddigii Qabanqaabada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle, hay’adaha amniga oo suuragaliyey habsamida nabaddgalyada Doorashada iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Dowlada goboleedka Hirshabelle ayaa maanta doortay hoggaan cusub kadib markii doorasho ay ka dhacday xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ee Jowhar.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha;