Xukun lagu riday nin Shabaab u qaabilsanaa diiwaan gelinta ganacsiyada cusub

Xukun lagu riday nin Shabaab u qaabilsanaa diiwaan gelinta ganacsiyada cusub

Mar. 21 (Jowhar.com)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun xabsi 8 sano ah ku riday Cali Abuukar Jimcaale oo Shabaab u qaabilsanaa diiwaan gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda.

Cali Abuukar Jimcaale Rooble, ayaa loo soo xiray sadaxdii November ee sanadkii hore ka mid ahaanshaha Khawaarijta Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa qaybta Amniyaadka.

Cali Abuukar Jimcaalle Rooble, waxa ay reerkiisa u safriyeen South Africa 2010-kii Sanad kadib markii uu ku biiray Argagixisada.

Todoba sano oo la islahaa waxa uu ka xuroobay fikirka Khawaarijta ma dhicin balse waxa uu ka soo degay Muqdisho dabayaaqadii 2017 isaga oo xambaarsan isla fikirkii guracnaa ee kooxda.

Waxa ay Argagixisada u wakiilatay Cali diiwaan gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda, mar kale ayay argagixisadu ku celisay tababar lagu barayo isticmaalka hubka, waxaana lagu ogaaday baaritaanka hay’adaha Amniga in maalmo uu la qaatay Cali Jabhad horjooge lagu magacaabo oo hareeraha Jilib-Marko ku dhuumaalaysata.

Dalabka xeer ilaalinta ee ahaa maxkamad qaadista Cali Abuukar Jimcaalle ayuu garsoorka ogolaaday afartii March sanadkan.

Garsoorka ayaa waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda, waxayna habraacii maxkamadeed kadib ku xukuntay Cali Abuukar Jimcaalle Rooble 8-Sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan heerka 1-aad ee maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More