Xukuumadda DanQaran oo u jiheysaneysa gurmadka abaaraha

August 11 (Jowhar.com)-Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda DanQaran ay si degdeg ah uga hawlgali doonto gurmad qaran oo laga geli doono sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ba’an ee saameeyay bulshada Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa sidoo kale faahfaahiyay digreetadii xalay ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, taasi oo lagu farayay madaxda inay reebban tahay magacaabis iyo shaqo ka joojin saraakiisha darajooyinka sare oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Sidoo kale waxa Mudane Xamse uu faray in mudnaan la siiyo fududeynta dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka bulshada ku dhaqan caasimadda Muqdisho, isagoo amray in laamaha amniga ay xalliyaan caqabadaha ka taagan isu socodka gudaha caasimadda, iyadoo aan waxba loo dhimayn hannaanka amniga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More