Yaa bixiyay amarka lagu eryay Wasiir Cawad ?

Faafin degdeg ah oo caawa xilka looga qaaday wasiirkii arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo in ku dhow saddex sano xilkan hayay ayaa dhalisay su’aalo dhowr ah oo dhammaan muujinaya khalkhalka madaxtooyada Soomaaliya ee ku aaddan xiisadda dagaal ee dalka Itoobiya gudihiisa ka aloosan.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay Jowhar heshay ayaa sheegeysa go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku saabsan dagaalka gudaha Itoobiya, oo markii dambe dowladdu ka noqotay laga qoray unug ka shaqeeyay arrimaha dibadda oo ay madaxtooyadu si gaar u leedahay, isla markaana uu hoggaamiyo Balal Maxamed Cusmaan oo ah Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda.

Qoraalkan oo la dhex mariyay Waaxda warfaafinta wasaaradda arrimaha dibadda ayuu wasiirka xilka laga qaaday sheegay inuusan ahayn go’aanka xukuumadda ee rasmiga ah.

“Waxaan halkan ku caddeynayaa in uusan jirin war rasmi ah oo wasaaradda arrimaha dibadda ka soo baxay oo ku saabsan xaaladda Itoobiya, War-saxaafadeedka wareegaya ma matalo aragtida Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidaas darteed ma aha wax jira” ayuu bartiisa Twitterka ku soo qoray Axmed Ciise Cawad

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow wasaaradda arrimaha dibadda ayaa inoo xaqiijiyay in xafiiska Ra’siiul wasaare Abiy oo soo maraya Wasiiru dowlaha  arrimaha dibadda Balal Maxamed Cusmaan ay codsadeen in tallaabo laga qaado wasiir Cawad, sidaas awgeedna caawa xilka looga qaaday.

Dhanka kale howl wadeeno ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaare Rooble codsaday in aan lagu degdegin arrinta balse lagu cadaadiyay inuu warqadda soo saaro, taas oo mugdi gelin karta madax bannaanida Rooble ee go’aamada xukuumaddiisa.

Cawad oo loo magacaabay safiir aan la shaacin waddanka loo magacaabay, balse u muuqatay in lagu qancinayay ayaa si degdeg ah uga hor yimid arrinkaas isaga oo ku koobay mahadcelin uu u jeediyay Madaxweynaha iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa si uu jees jees ka muuqdo u dafiray xiriirka uu arrinka xil ka qaadista Cawad la leeyahay xiriirka Itoobiya iyo mowqifka dowladda Soomaaliya ee colaadda Itoobiya.

Xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay abid inta la ogyahay taariikhda labada dal, kadib markii uu madaxweyne Farmaajo xukunka dalka la wareegay February 2017, taas oo bog cusub u furtay xiriirka labada dal balse dhanka shacabka Soomaalida aysan wali aqbalin, dhanka kalena waxaa fogaaday xiriirka dowladaha Kenya iyo Jabuuti oo Soomaaliya xiriir wanaagsan oo soo jireen ah uu kala dhaxeeyay.