NISA oo qabatay rag Guriceel ku dilay Dhakhtar iyo Macalin Dugsi Walaalo ahaa

Dec 12 (Jowhar.com)- Ciidamada NISA ayaa gacanta ku dhigay afar qof oo loo heysto in ay dileen 2 wiil oo walaalo ah kuwaas oo lagu dilay dhowaan deegaanka ilix oo hoostaga Guriceel.

Afarta eedaysane ayaa lagu qabtay gobolka Shabeelaha dhexe iyagoo baxsad ah.

labada wiil ee walaalaha ah ayaa kala ahaa Dr Axmed Xasan Cismaan oo ahaa dhaqtar daweeya ilkaha kaas oo ka howlgali jiray xarun caafimaad oo ku taala magaalada Buuhoodle. wuxuu Dr ku u yimid Galgaduud si uu u booqdo qooyskiisa oo dagana tuulada lagu dilay.

Halka Liibaan Xasan Cismaan uu ahaa macalin Dugsi quraan ku yaalay deegaanka lagu dilay.

Ciidanka NISA ayaa hada gacanta ku haya eedaysanayaasha, kadib howlgalo balaaran oo ay wadeen maalmihii u danbeeyay, waxaana lagu wareejin doona hay’adaha cadaalada si loogu fuliyo cadaalada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More