Putin oo xilkii ka qaaday Wasiirkiisii Gaashaandhigga

May 12 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u magacaabay wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Andrei Belousov oo ah qof rayid ah oo ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha horena u soo noqday ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Ruushka.
Putin oo isku shaandheyn kooban sameeyay caawa ayaa Wasiirkii Gaashaandhigga Sergei Shoigu, ee hayay xilkaas tan iyo sanadkii 2012kii u magacaabay xoghayaha golaha ammaanka ee awoodda badan ee Ruushka isla markaana uu mas’uul ka noqdodhismaha militariga iyo warshadaha.

Isbeddellada, oo la hubo in ay ansixiyaan baarlamaanka, ayaa ah kuwii ugu muhiimsanaa ee Putin uu ku sameeyo taliska milatariga tan iyo markii uu tobanaan kun oo askari u diray Ukraine bishii February 2022, wax uu ugu yeeray hawlgal milatari oo gaar ah.

Valery Gerasimov, oo ah madaxa guud ee ciidamada Ruushka kaasoo leh awoodda hagidda dagaalka, ayaa xilka sii hayn doona.

Sidoo kale Sergei Lavrov, oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee ruug-caddaa ahaa, ayaan laga qaadin xilka uu hayo.

Dmitry Peskov oo ah afhayeenka Kremlin-ka ayaa saxafiyiinta u sheegay in isbedelku uu macno sameeyay sababtoo ah Ruushka ayaa ku soo wajahan xaalad la mid ah Midowgii Soofiyeeti bartamihii 1980-meeyadii, markaasoo ciidamada iyo hay’adaha sharci fulinta ay 7.4% ka ahaayeen kharashaadka dowladda.

Waxaa soo baxayay bilihii la soo dhaafay in wax isdaba marin ay ka dhex jirto gudaha ciidamada Ruushka gaar ahaan dhaqaalaha,waana taas sababta keentay in aqoonyahan dhinaca dhaqaalaha ku taqasusay loo dhiibo xilkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More