Qabashada araajida musharixiinta xildhibaanada Puntland oo maanta bilaabaneyso

Dec 17 (Jowhar.com)- Guddiga Ansixinta & Xalinta Khilaafaadka ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Deni, ayaa maanta lafilayaa in ay si rasmi ah u bilaabaan shaqadooda qabashada araajida xubnaha u sharaxan Xubnimada baarlamaanka 6aad ee Puntland iyo kala saaridaba.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, Xarunta golaha wakiilada ayaa lafilayaa in ay shaqadan ka bilaabaan saaka oo Axad ah.

31-da December ayaa ah xiliga ay tahay in liiska lagu dhawaaqo, waxaana ka harsan oo kaliya 14 cisho.

Musharixiinta mucaaradka ah oo shalay hadlay waxa ay kasoo horjeesteen shaqada guddiyadan, iyagoo u arka mid gacan ku rimis ah oo u shaqeynaya oo kaliya madaxweyne Deni.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More