Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Xerada Ciidamada 77 ee magaalada Muqdisho

Nov 13 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan oo Ismiidaamin ahaa uu goordhow ka dhacay qeybo kamid ah degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Warara hordhaca ah e ela helayo waxa ay sheegayaan in qaraxa oo uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa lagu bartilmaameedsaday xerada ciidan ee 77 oo ay dagan yihin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Macluumaadyada la helayo ee la xiriira bartilmaameedkia saxda ah ee qaraxa ayaa kala duwan, kuwo qaar waxa ay sheegayaan in ninka Ismiidaamiyay uu gudaha u galay xerada, halka warar kale ay tibaaxayaan in banaanka xerada uu ku qarxay kadib markii laga shakiyay qofkan.

Waxaa lasoo warinayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxan, balse waxaa adag in la helo xogta rasmiga ah.

#Muqdisho: Qarax Imiidaamin ah ayaa ka dhacay Xerada Ciidamada ee 77 oo ku taal magaalada Muqdisho, nin siday walxaha qarxa ayaa la warinaya in uu isku qarxiyay afaafka hore ee xerada, halka ilaha qaar ay tibaaxeen in uu gudaha u galay xerada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More