Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

Jan. 14 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qaraxyo culus oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhacay degmada Jalaqsi.

Qaraxa koowaad wuaxa uu ka dhacay barkoontorool oo ku taala afaafka hore ee Buundada Jalalaqsi halka midka kale uu ka dhacay banaanka magaalada kadib markii ay ciidamada rasaaseen.

Xogaha hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in Hal qof uu ku geeriyooday qaraxyadan, halka 4 kalane ay ku dhawacmeen labadaasi qarax ee ka dhacay Dagmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Khasaaraha ayaa intaasi kasii badan kara, waxaan socda gurmadka loo sameynayo dadka waxyeelada kala duwan ay ka soo gaartay weerarkan oo ay soo maleegtay kooxda Al-Shabaab.

Degmada Jalaqsi ayaa kamid ah degmooyinka Hormuudka u ah kacdoonka ka dhanka ah Shabaab, iyadoo kooxda dhowr jeer oo hore ay qaraxyo uga geysatay magaalada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More