Qoor-Qoor oo Guddi wasiiro ah u saaray xalka dagaal ka dhacay Galgaduud

Jun 08(Jowhar.com)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddi wasaiirro ah u magacaabay xal u raadinta Colaadda Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Guddigan oo ka kooban 5 Wasiir oo ka tirsan golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha,Amniga,Owqaafta iyo Arrimaha Diinta,Gargaarka iyo Warfaafinta.

Magacaabista guddigan ayaa timid kadib markii dagaal ay isag ahoryimaadeen labo maleeshiyo beeleed ay sababeen geerida dad gaaraya soddomeeyo halka dhaawacana uu intaa ka badan yahay.

Dagaalka oo salka ku haya falal aano qabiil ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa deegaanada Qalanqale iyo Laandheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo qarxay arroornimadii hore ee maanta ayaa waxaa uu salka ku hayaa aanooyin qabiil .
Wararkii ugu dambeyay ayaa hadda sheegaya in ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa Galmudug ay ku baxeen dagaalka oo ay gaareen goobta dagaalka, iyagoo kala dhex galay labada maleeshiyo beeleed.

Halkan hoose ka aqriso magacaabista guddiga.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More