Qoys dhimasho iyo dhaawac ku noqday madaafiic kusoo dhacday magaalada Muqdisho

Jully. 04 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay tiro madaafioc ah oo aroortii hore er saaka kusoo dhacday xaafado katirsan degmooyinka Wartanabadda, Xamar-Jajab iyo Waaberi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in joobiye ku dhacay guri ay daganaayeen Qoys degan degmada Waaberi gaar ahaan agagaarka Isgoyska Ototo uu ku dhintay Macalin dugsi Qur’aan oo lagu Magacaabi jiray Macalin Aweys iyo Gabadhiisa Xaliimo Macalin.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Hooyada qoyska oo lagu Magacaabo Naciimo Maxamed Cabdi iyo Xaliimo Macalin Aweys Maadeey oo lix jir ahayd,  Isra Macalin Aweys iyo Maxamed Macalin Aweys Madey.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Ugu yaraan shan qof shacab oo ay ku jiraan caruur ay ku dhinteen tiro ka badan ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaasha kusoo dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Wali ma jirto koox sheegatay iyo war kasoo baxay laamaha ammaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More