Qoysas fara badan oo saaka buux dhaafiyay Qabuuraha Iskool Bolisiya kadib amarkii dowladda

Jun 11(Jowhar.com)-Qoysas fara badan ayaa saaka buix dhaafiyay Qabuuraba Iskool Boloosiya, halkaasoo ay baadi goob ugu jiraa Qabriyada xubno kamid ah qoyskooda oo ay hore halkaasi ugu aaseen.

Tagitaanka dadkan ee Qabuuraha ayaa ka danbeysah kadib amar kasoo baxay dowladda oo shalay lagu sheegay in 10 cisho gudeheed lagu baxsado dhamaan meydadka ku aasaan, iyadoo dhulkaasna ay dowladda dhisaneyso.

Qaar kamid ah dadka saaka goobtaasi tagay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney ka walaaceen amarka aan ka fiirsiga leheyn ee kasoo baxay dowladda, iyagoo sheegay ineysan garaneynin halka uu ahaa qabriga waalidkood oo mudo dheer kahor ay aaseen.

Qaarkood ayaa sidoo kale tilmaamay iney mar kale la mururgoonayaan xanuunka iyo tiiraan yada xubno ay jeclaayeen oo qoyskooda ah oo ay sanado dheer kahor aaseen oo haatan la leeyahay meydka dib usoo saarta oo aasta, tasoo xusuus cusub oo xanuunkeeda leh la galiyay.

Dowladda ayaa si ay talaabadan u qaado waxa ay soo kexeysatay qaar kamid ah culimada, iyagoo u fadwooday in meydadka lasaaro oo dhulkaas dowladda loo baneeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More