Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku amray ciidamada inay ka amarqaataan xukuumada

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo qalab warbaahinta kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee dalka ka jirta gaar ahaan go’aankii xalay uu gaaray Farmaajo ee uu ku sheegay in shaqo joojin uu ku sameeyay ra’iisul wasaare Rooble isagoo markii ugu horeysay laga maqlay Ra’iisul Wasaare Rooble oo ugu yeeraya Farmaajo Madaxweynihii hore ee dalka.

“Talaabooyinkii uu qaaday madaxweynihii hore ee soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inay tahay isku day afgambi oo bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada,dastuurka iyo sharciyada dalka u yaal.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Farmaajo waxa uu ku xadgudbay shuruucda dalka waxana uu weerar ciidan kus oo qaaday xafiiska Ra’isul wasaaraha iyo golaha wasiirada isagoo isku dayay inuu ka horistaago gudashada waajibaadkiisa qaran.”ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa tallaabooyinka uu qaaday Farmaajo ku sheegay inay yihiin kuwa lagu carqaladeenayo doorashada dalka ka socota.

“Ujeedada ka dambeysa talaabooyinkan guracan waxa ay tahay inuu ku carqaladeeyo doorashada dalka.”ayuu sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa amar ku siiyay Ciidamada Qalabka inay si toos ugu amar qaataan Xukuumadda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaa farayaa Ciidamada Qalabka sida inay si toos ah ugu amar qaataan Xukuumadda, cid kasta oo ka hor timaada amarkaan waxaan si degdeg ah ula tiigsan doonaa sharciga”.

Ra’isuwlasaare Rooble ayaa sheegay maadama uu Farmaajo go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha Dowladda uu Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayo in xukuumadda ay gudaneyso waajibaadka ka saran xaaladda kala guurka ee Dalka ku jiro.

“ Maadaama madaxweynihii hore ay muuqato inuu go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha Dowaladda isagoo aan heysan sharciyad waxaa Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah , gaar ahaan xilliga kala guurka ah ay si buuxda mas’uul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dhammaan howlaha hey’adaha kala duwan ee Qaranka”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More