Ra’iisul Wasaare Xamsa oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

May 06 (Jowhar.com)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen, Wasiirka Arrimaha Dibedda kenya Musalia Mudavadi, Wasiirka Difaac Kenya Aadan Barre Ducaale ,Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi , xubno ka tirsan Dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee  kenya Jabriil Ibraahim  Cabdull.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, Socdaalka ,amniga gaar ahaan la dagaalanka khawaarijta, dalxiiska, caafimaadka, iyo waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo Kenya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Kenya iyo Jaaliyadda  Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isaga oo la wadaagaya fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka khawaarijta  iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More