Ra’iisul wasaare Xamze oo maanta ku wajahan magaalada Kismaayo

Nov 26 (Jowhar.com)-Ra’iisul wqsaaraha xukuumada Soomaaliua Xamze Cabdi Barre iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubaland.

Ujeedka safarka Xamze ayaa la xiriira sidii uu usoo qiimeyn lahaa xadiga khasaaraha fatahaada wabiga Jubba uu ka geystay deegaano kamid ah Jubooyinka iyo sidii loo gargaari lahaa dadka ku guryo beelay daadadka soo rogmaday.

Xamze oo uu wehlinayo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa iney kormeeraan goobaha la dajiyau dadka soo barakaccay, si uu indhihiisa ugu soo arko xadiga khasaaraha, wuxuuna warbixin ka dhageysan doonaa xubnaha gurmadka dadkaasi.

Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay isku darsameen gobollladaasi oo dhacay koonfurta dalkeenna Soomaaliya.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay waxaa kamid ah, degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een, magaalada Garbahaarey oo xaalad adag gashay iyo degmada Doolow oo biyuhu ay wada gaareen, inta badan deegaanada ku yaalla Jubbooyinka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More