Ra’iisul wasaare Xamze oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Seoul.

Jun 04(Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qaybgalayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad madasha shirka.

Waxa uu khudbadiisa kaga hadli doono qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More