Ruushka oo saldhig ciidan ka raadinaya xeebaha Badda Cas

June 08(Jowhar.com)- Taliye ku xigeenka Golaha Milatariga ee maamula dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay Jimcihii in ay aad u danaynayaan inay xoojiyaan xiriirka kala dhexeeya Ruushka dhinac walba.

Jenaraal Malik Aqar ayaa Jimcihii shalay kula kulmay magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli warbaahinta Sudan ay sheegeyso in Miltariga Sudan iyo dowladda Ruushka ay ka wadahadlayaan sidii Ruushka saldhig military looga siin lahaa xeebaha badda cas ee dalka Sudan.

Ciidamada Sudaan ayaa taas ku bedelanaya hub ay kula dagaalamaan Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee uu dagaalaku u dhexeeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More