Ruushka oo samaynaya dhoolatus Milatari oo hubka Niyukliyerka qeyb ka yahay

May 06 (Jowhar.com)-Ruushka ayaa sheegay in uu sameyn doono dhoolatusyo ay ku jiraan adeegsiga hubka nukliyeerka ah, maalmo kadib markii hogaamiyayaasha sare ee Yurub ay sheegeen in taageero militari oo xoogan ay siinayaan Ukraine.

Kremlin-ka ayaa sheegay maanta dhoolatuska milatari ee uu amray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu jawaab u ahaa hadaladii ka soo yeeray dalalka reer galbeedka iyo kuwa xubnaha ka ah NATO ee ku saabsan in ciidamo loo diro dalka Ukraine, oo Ruushku uu weeraray laba sano ka hor.Hase yeeshee dowlada ruushka ma aysan cayimin xilliga uu dhacayo dhoolatuska.

Talaabadan ayaa muujineysa xiisadda sii kordheysa tan iyo markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu todobaadkii hore sheegay in dalkiisa uu ka fiirsan doono inuu ciidamo dhulka ah u diro Ukraine haddii Kyiv uu codsado gurmad.

Maalin ka dib, xoghayaha arrimaha dibadda UK David Cameron ayaa sheegay in Ukraine ay hubka Britain u adeegsan karto bartilmaameedyada gudaha Ruushka haddii ay rabto.

Saraakiisha Ruushka ayaa cambaareeyay labada bayaan waxayna uga digeen Moscow inay ka aargoosan doonto waxa ay ugu yeereen isbeddel khatar ah oo sii kordhaysa.
Moscow ayaa muddo dheer ka digeysay in NATO xubin ka mid ah ay u soo diraan askartooda Ukraine si ay uga dagaalamaan.

Xiriirka u dhaxeeya wadamada reer galbeedka oo uu ugu horeeyo Mareykanka iyo Ruushka ayaa burburay kadib markii ciidamada Ruushka ay duulaan ku qaadeen dalka ay jaarka yihiin ee Ukraine bishii February 2022-kii.

Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, Ruushku wuxuu si isdaba joog ah uga digay kororka khatarta nukliyeerka – digniino uu Maraykanku sheegay inay tahay inay si dhab ah u qaataan inkasta oo saraakiishooda ay xuseen inaysan wax isbeddel ah ku arkin habka Nukliyeerka ee Ruushka.

Ruushka iyo Maraykanka ayaa ilaa hadda ah quwadaha ugu waaweyn ee nukliyeerka adduunka, iyaga oo haysta in ka badan 10,600 oo ka mid ah 12,100 madaxyada nukliyeerka ah ee adduunka. Shiinaha ayaa ah dalka saddexaad ee ugu weyn hubka Nukliyeerka, waxaana ku xiga Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More