RW Rooble Oo La Kulmay Danjiraha Dowladda Mareykanka U Fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, Feb 12, 2022Ra’iisul Wasaararaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre.

Oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal, dhammeystirka doorashooyinka dalka, Amniga iyo la dagaallanka argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada dhinacyada badan ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Danjiraha cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada ay dowladiisu siiso Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More