Saciid Deni oo Garowe kula kulmay wafdi uu hoggaaminayay James Swan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Garowe kula kulmay Wafdi uu hoggaaminayay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wakiilada Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Per Lingarde.
Kulankan ayaa loogaga wadahadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida doorashada hordhaca goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufryn, doorashada heer federaal iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.

Shir jaraa’id oo kulanka kadib la qabtay ayaa waxa uu Saciid Deni ku sheegay in kulanka uu ahaa mid arrimihii loogaga hadlay la isku afgartay;

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu boggaadiyey mashaariicda ka qabsoomay Puntland “Waxaan ku faraxsanahay waxyaabihii qabsoomay sanadka lagu jiro oo Hay’addaha iyo ururada deeqda bixiya , ee ay ugu horeyso Midowga Europe, Wadamada Sweden ay gacanta ka geysteen mashaariicda socota iyo guud ahaan Hay’addaha UNKa ah ee halkan ka howlgala , waxaan rajeynaya in ay muhim aheyd waxyaabihii qabsoomay.”

 

James Swan Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hoggaaminayay wakiilada ka socday Beesha caalamka, ayaa ku amaanay Maamulka Puntlnad bilaabida ololihii ururadda siyaasadda ka bilowday Qardho, Ufeyn iyo Eyl, degmooyinkaasi oo 25-ka October 2021 ay ka dhici doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xgeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More