Saddex dhalinyaro ah oo xukun dil ah lagu fuliyay

June 06(Jowhar.com)-Maxkamadda gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo lagu helay in ay si bareer ah dil ugu geesteen labo nin oo walaalo ahaa.
Raggan xukun dilka ah lagu fuliyay oo lagu kala magacaabo Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax Aadan, iyo Bile Cabdullahi Xasan ayaa si bareer ah deegaanka Ilix ugu dilay Dr Axmed Xasan cusmaan iyo Macallin Axmed Xasan Cusmaan oo walaalo ahaa.

Raggan maanta xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa iyagoo baxsad ah laga soo qabtay deegaan ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana lagu soo wareejiyay maxkamadda gobolka Galgaduud oo ugu dambeyn raggan xukun dil ah ku fulisay.

Aabaha iyo ehelada kale ee labada wiil ee walaalaha ee horey loo dilay ayaa maxkamadda gobolka Galgaduud ka dalbaday in ragga dilka u geestay wiilashooda loo qisaaso laguna fuliyo xukun dil ah.

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa xukunno kala duwan oo dil ah ku fulisay dhowr qof oo lagu helay in ay geesteen dilal bareer ah, kuwaa oo intooda badan lagu toogtay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More