Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka oo warqadihiisa aqoonsiga laga guddoomay

Jun 08(Jowhar.com)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Danjire Xuseen Xalane, ayaa warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Kaaliyaha Xog-hayaha Hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Saif Abdulla Alshamisi, oo ku sugan Dubai.

Xog-hayaha Hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Saif Abdulla Alshamisi, ayaa u rajeeyay safiirka cusub inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Danjire Xalane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in dalkiisa uu u matalo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, oo ah qaran ku naaloonaya maqaam heer gobol iyo heer caalami ah oo uu hormuud ka yahay aragtida fog ee Madaxweyne Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More