Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka booliska oo lagu dilay Muqdisho

May 03 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil goordhow magaalada Muqdsho ay ka geysteen Koox ku hubeysneyd Bistoolado.

Sida wararku tilmaamayaan, Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Booliska laguna magacaabijiray Aadan Biit ayaa la sheegay in lagu dilay meel aan ka fageen xarunta Iskool buluusiya ee magaalqda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan ay toogteen kadibna ay ka baxsadeen goobta uu falku ka dhacay sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Laamaha amaanka ayaa ku fashilmay soo qabashada danbiilayaasha, iyagoo sameeyay howlgal aan guuleysan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More