Senator Fartaag oo kahor yimid mudo kororsiga Axmed Madoobe,fariinna u diray Xasan Sheekh

August 22 (Jowhar.com-Senetor C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo mar soo noqday Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa ka hor-yimid muddo kororsiga loo sameeyay Madaxweynaha Jubbaland, kaddib markii shalay Baarlamaanka Jubbaland uu hal sano ugu daray muddo xileedkii Madaxweynaha oo markii hore ahaa afar sano.

Senator Fartaag oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud u diray fariin ah inuu iska diido dhaqan galka mudo kororsigaas, isagoo soo xasuusiyay dhibaatada laga dhaxlay mudo kororsigii hore looga diiday Farmaajo

“Ma filayo falkii shalay ay sameeyeen Baarlamaanka Jubbaland ee baal marsanaa Dastuurka inuu aqbalayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo aan horay isla diidnay muddo kororsigii dowladdan middii ka horeeyay ay sameysatay oo dalka khal khal gelisay” ayuu yiri Fartaag.

Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa ansixiyey in muddo xileedka xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sanno laga dhigo 5 sanno

Si kastaba, markii u horeysay ma aha ee maamul uu muddo kordhin ku sameeyo muddo xileedka madaxda, ayada oo horey sidan oo kale muddo xileedka shan sano ka dhigay baarlamaanka Koonfur Galbeed, muddo hal sano ahna ugu daray madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, inkasta oo arrintaasi uu weli buuq siyaasadeed ka taagan yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More