Shabaab oo weerar culus ku qaaday degmada Ceeldheer

June 08(Jowhar.com)- Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay saaka weerar culus ku qaaday degmada Ceeldheer.

Macluumaadka la helayo ayaa sheegaya in weerarkan oo ku bilowdag qaraxyo uu socday mudo saacad ka badan, waxaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamadda Gorgor ayaa lagu soo waramayaa iney si adag ugula dagalameen kooxda Kontoroolada laga soo galo magaalada, iyadoo dagaalka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo fara badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay gulufkan, iyadoo ku faantay iney la wareegtay fariisimihii ciidanka dowladda.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya Al-Cadaala ayaa isna goordhow shaaciyay iney jab xooggan Shabaab ugu geysteen duulaanka Ceeldheer.

Weerarka kooxdan ayaa kusoo beegmaya xili maalmahan uu deegaanka ka socday abaabul dagaal oo dowladda ay dooneysay iney ku qaado fariisimaha Shabaab ee gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More