Shir looga hadlayo Maalgashiga qurba-joogta oo Muqdisho ka furmay

May 11 (Jowhar.com)- Kulan looga hadlayo sidii ay qurbojoogta Soomaaliyeed u maalgashan lahaayeen dalkooda ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, baarlamaanka iyo maalgeshato qurbo-joog ah, ayaa hadal uu ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,

Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadal uu ka jeediyay Isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay ka faaidaysiga khibradaha iyo maalgeshiga qurbo-joogta si Soomaaliya u gaarto horumar iyo barwaaqo.

“Qurbo-joogtu waa halbowlaha nololeed ee qoysas badan iyo laf-dhabarka dib u noolaynta dhaqaalaha Soomaaliyeed.”ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wuxuu caddeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay fursado maalgashi oo baaxad leh u bixin lahayd, isla markaana ay u sugi lahayd ammaanka maalgashadayaasha qurba-joogta.

Wasiir Fiqi oo ka hadlayay saameynta dhaqaale ee ay leeyihiin lacagaha qurba-joogta ah ee xawaaladaha la soo mariyo ayaa xusay inay kaalin mug leh ka geysanayaan dhaqaaqa dhaqaalaha dalka, wuxuuna ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Soomaaliya uga tarjumeen, magac iyo maamuusna uga soo jiideen bulshooyinka ay la noolyihiin, taasi oo ay ugu wacantahay suubanida akhlaaqdooda iyo hab-dhaqankooda.

Boqolaal ka mid ah qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa maalgashi ka bilaabay gudaha dalka Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay gaar ahaan caasimada dalka ee Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More