Toban ruux ayaa ku geeriyootay, 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii ay isku dhaceen labo gaari oo mid ka mid ah uu ahaa gaari weyn oo Qaad siday, halka gaariga kalena uu ahaa Nooha ay saarnaayeen dad rakaab ah.

Wararka ayaa sheegaya in shilkan gaari uu ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee sanadkan ka dhaca Somaliland.

Gaariga nooha ee ay saarnaayeen dadka rakaabka oo gaarayay labaatameeyo ruux ayaa la sheegay inuu gebi ahaanba burburay, kaddib markii uu ku dhacay gaariga weyn ee Qaadka siday.

Isku duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Saaxil Bashiir Diiriye Jaamac ayaa sheegay in shilkan gaari uu ka dhacay duleedka bari ee Berbera, waxaa uu tilmaamay in dadka dhintay ay afar ka mid ah ay yihiin dumar, halka 6 kalena ay rag yihiin.

Shilalka gaari ee ka dhacay deegaanada Somaliland ayaa ka dhasha dhimasho iyo dhaawac, waxaana sabab u ah waddooyinka qaar oo ah kuwo burbursan iyo darawalada gaadiidka oo xawaare sare ku wada.