Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay degmada Mahaday iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sh.dhexe iyadoo wabigana uu wado biyo aad u faro badan.

Mas’uuliyiin ka socotay Maamul Goboleedka Hirshabelle iyo Maamulka Gobolka Sh/dhexe ayaa booqday maanta degmada Mahaday oo ay saameyn ku yeelatay fatahaado iyo roobab waaweyn oo ka da’ay.

Mas’uuliyiintan ayaa soo kormeeray xaafadaha magaalada Mahaday iyagoo warbixino ka dhagaystay mas’uuliyiinta degmada Mahaday.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa ugu baaqay maamulka HIrshabelle iyo hay’adaha deeqaha bixiya in shacabka ku barakacay roobabka iyo fatahaadaha isbiirsaday inay wax u qabtaan.

“Waxaa laga cabsi qabaa in wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho ay go’odo kadib markii Alshabaab ay wabiga ku fureen,waxaana hadda halis ah in ay go’odo wabiga wadada isku xirta Jowhar iyo Mahaday.”ayuu sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii maanta booqatay Mahaday ayaa sheegay in ay degmada Mahaday ay wadooyinka xiran yihiin, ayna tahay magaalada meel jasiirad oo kale ah,sidoo kalana degmooyinka Jalalaqsi iyo Buuloburte ay fatahaaduhu saameyeen.

“Waxaan beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha u jeedinaynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan leh dadka ku nool Hirshabelle wax loogu qabto iyadoo ay ugu horeyso degmada Beledweyne,jalalaqsi iyo Buuloburte,”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle.

Roobab waaweyn iyo fatahaado is biirsaday ayaa waxaa saameyn weyn ay ku yeesheen shacabka ku nool degmooyin ka mid ah gobolka Sh/dhexe iyo Hiiraan.