Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa beeniyay in uu haysto dhalashada dal kale, ka dib markii arrintaa lagu eedeeyay isaga iyo xildhibaanno kale oo qaarkood ay Soomaali yihiin.

Aadan Barre Ducaale ayaa ku tilmaamay shirqool ay dad kale sameynayaan kuwaasoo ku mashquulsan dadka kale.

Mudanaha hogaamiya aqlabiyada baarlamaanka dalka Kenya ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray: “Waa arrin dadku ay wada og yihiin in aan ku faanayo dhalashada Kenya, mana haysto dhalasho labaad, weligeyna ma qaadan sharciga dal kale, mana qaadan doono weligeyna. Waxaan dhiigga ka ahayn Kenyan, weligeyna waan ku waarayaan Kenyan-nimada”.

Warkan ka soo baxay Ducaale ayaa ku soo beegmaya xilli guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa dalka Kenya uu sheegay inuu bilaabayo baaritaan la xiriira madaxda dowladda ee haysta dhalashada dalal kale, taas oo la sheegay inay khilaafsantahay mid kamid ah xeerarka u yaal dalka Kenya.

Dhowaan ayaa bishii June ee sannadkan guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda u qaabilsan baarlamaanka Kenya uu diiday in haweeney lagu magacaabo Mwende Mwinzi ay noqoto safiirka u fadhiya dalka South Korea,sababtoo ah waxa ay haysatay dhalashada dalka Kenya iyo Maraykanka.

Dastuurka Kenya ayaan ogoleyn in qof laba dhalasho haysta uusan marna qaban karin xil dowladeed,sababo la xiriira iyadoo laga shakinayo in qofkaas daacad u noqon karin labo dal.