Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka digay hadii loo baahdo in la tago dagaal ku saabsan mashruuc biyo xireenka Wabiga Niil ee ay ku muransan yihiin iyaga iyo Masar, in dalkiisu diyaar u yahay malaayiin dad ah, laakiin arrinta kaliya ee lagu xalin karo uu yahay wada hadal.

Abiy Ahmed ayaa hadalkan jeediyay Talaadadii intii lagu guda jiray fadhiga Baarlamaanka dalka Itoobiya uu su’aalo uga jawaabayay, waana markii u horeeyay ee uu shacabka fagaare kala hadlo, tan iyo markii uu ku guulaystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel 11-kii bishan Oktoobar

“Qaar waxay yiraahdaan waxyaabo ku saabsan adeegsiga xoogga (oo ay adeegsato Masar). Waa in hoosta laga xariiqo inaysan jirin xoog ka horjoogsan kara Itoobiya dhismaha biyo-xidheenka”ayuu yiri Abiy Ahmed.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo sii hadlayay ayaa yiri “Haddii baahi loo qabo in dagaal la galo, malaayiin ayaa loo isticmaali karaa, Haddii qaar ay gantaal ridi karaan, kuwa kale ayaa isticmaali kara bambaanooyin. Laakiin taasi ma ahan maslaxad inoo fiican dhammaanteena”.

Abiy Axmed ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa uu ka go’an yahay dhameystirka mashruuca biyo xireenka Nile oo ay hormuud ka ahaayeen Hoggaamiyeyaashii hore ee dalkiisa.

Wada hadaladii u dambeeyay ee Masar iyo Itoobiya ee ku saabsanaa biyo xireenka Nile ayaa burburay, iyadoo dowladda Masar ay caddeysay inay dagaal ka xigto dhismaha biyo xireenka ay waddo dowladda Itoobiya.

Warbaahinta Masar ayaa maalmihii u dambeeyay arrinta la xiriirta khilaafka Mashruuca Wabiga Nile u rogayay khatar nabadgelyo qaran oo keeni karta ficil milateri.

Masar oo dadkeeda aad ugu tiirsan yihiin Biyaha wabiga Niil ayaa ka cabsi qabta in mashruuca biyo xireenka ay wado Itoobiya uu yareyn doono qeybtiisa wabiga isla markaana uu dalkeeda u keeni karo xaalado biyo yaraan iyo hoos u dhac dhaqaale.