Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Guddi ka kooban Afar iyo Toban Xubnood u magacaabay Aaska Qaranka ee loo sameynayo Guddoomiyahii gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan oo maanta ku geeriyooday dalka Qatar, Waxaana guddigaan guddoomiye u ah Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka XFS.

Guddigan ayaa waxaa mas’uuliyada loo xilsaaray ka mid ah inay diyaariyaan sidii aas qaran loogu sameyn lahaa allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo maanta ku geeriyooday magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Halkan ka aqriso guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre;