Wasiirka Kalluumeysiga Maamulka Puntland Faarax Cawaash ayaa shaaciyay tirade iyo dalalka laga leeyahay maraakiib si sharci darro ah ugaga kalluumeysata xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Puntand.

Wasiir Cawaaash ayaa sheegay in 18 markab oo laga leeyahay dalalka Iran,Hindiya iyo Pakistan ay dhibaato badan ku hayaan biyaha Soomaaliya.

“Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland iyo tan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa iska wareysteen maraakiibtaas labada wasaaradood aysan wax ogolaansho ah ma siin”ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga Puntland.

Faarax Cawaash ayaa intaas ku daray in Ciidamo gaar ah u diyaariyeen soo qabashada maraakiibtaas islamarkaana loo istaagayo meelaha ay maraan.

Wasiirku waxaa uu intaas raaciyay in Maraakiibtaas ay wataan Calamada dalalkaas, in la soo qabtana ay ka caawinayaan satellite-ka sidaas darteedna ay rajo wanaagsan ka qabaan in gacanta lagu soo dhigo.

Dalka Soomaaliya ayaan lahayn xilligan ciidamo ku filan oo ilaaliya xeebta dheer ee Soomaaliyeed waxaana marwalba xadgudub ku sameeya maraakiib laga leeyahay dalal shisheeye iyadoo shacabka Soomaaliyeedna ay ka baahan yihiin kheyraadka ku jira badda.