Shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalk, dowlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday.

Shirka ayaa laga soo saaray War murtiyeed, waxaana lagi heshiiyay in aan marnaba la siyaasadeyn arrimaha maaliyadda dalka.

In la wadaago xogaha maaliyada dalka si joogta ah, lana ilaaliyo dahsanaanteeda.

In la sameeyo habka wadaaga xogaha ee u dhaxeeya Wasaaradaha Maaliyadda si kor loogu qaado aqoonta iyo macluumaadka arrimaha Maaliyadda dalka, isla markaana la sameeyo hab heshiis lagu yahay oo lagu maamulo xogta.

Halkan hoose ka akhriso War murtiyeedka:-