Guddoomiyaha ururka Alshabaab ee gobolada Jubbooyinka Sheekh Max’med Abuu Cabdalla ayaa ku dhowaaqay olole lagu carabiyeynayo dadka ku nool deegaanadaas.

Munaasabad loogaga dhowaaqayay ololahan ayuu Abu Cabdalla bogaadiyay  mashruuca dadka luqadda carabiga lagu barayo.

Magaalooyinka iyo deegaannada Al-Shabaab ayaa lagu amray in boorarka lagu dhejiyo dukaamadaha ganacsiga iyo iskuulada.

Maamulayaasha iyo macallimiinta dugsiyada ayaa sidoo kale lagu amray inay manhajka Waxbarashada ku saleeyaan luuqadda Carabiga oo keliya, waxaana ay ku hanjabeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo fulin wayda amarkaasi.